Home / Habka-Nolosha / Sidee ayay hurdada qof uga caawisaa soonka?

Sidee ayay hurdada qof uga caawisaa soonka?

Himilo – Helidda hurdo kugu filan waxay muhiim u tahay caafimaadka qofka inta lagu gudo jiro Bisha ramadaan, waxay siisaa awood. Bisha Soon-qaad muslimiintu waxay habeenkii ku daahaan soo jeed iyagoo salaad iyo cunno cunid ku qaata wakhti badan oo ay seexan jireen markii hore.

Daraasad ayaa muujisay in saa’imiinta seexda hal iyo wixii ka yar inay saameyn ku yeelato soonkooda maalinta iyo muuqaalka jirkooda. “Hurdadu waxay muhiim u tahay caafimaadka, waxay sahashaa in jirka qofka uu helo soo kabasho, iyo tamar cusbooneysiin.” Dr. Sobia ayaa sidaas sheegtay.

Waxaa kale oo uu qofku sameyn karaa haddii ay u suurowbayso inuu maalintii qaato hurdo yar oo indho guduudsi ah si uu u tabareyso. Dhakhaatiirta ayaa ku taliyay inay dadku degsadaan jadwal hurdo oo wanaagsan iyagoo seexaya ugu yaraan afar saac habeenkii inta bisha ay socoto.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan