Home / Macluumaad / Sidee ayay shinni sabab ugu noqotay dib u dhaca duulimaad diyaaradeed?

Sidee ayay shinni sabab ugu noqotay dib u dhaca duulimaad diyaaradeed?

Himilo- Duulimaadka diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha Hindiya ee Air India ayaa dib u dhacay sabab la xiriirta weerar shinni sida warbaahinta dalkaasi laga soo xigtay.

Shinni tiro badan ayaa lagu soo waramayaa inay dabooshay shaashada bannaanka ee duuliyaasha taasi oo keentay in shaqaalaha isku dayaan inay ka saaraan.

Tani waxay horseeday in shinnida sii kacdo islamarkaana ay weerar ku noqoto shaqaalaha sida ay qortay warbaahinta Hindiya.

Duulimaadka diyaarada ayaa ka tagayay magaalada Kolkata, waxaa saarnaa 136 rakaab ah oo uu ku jiray wasiirka warfaafinta Bangladesh.

Mas’uuliyiinta garoonka ayaa u sheegay wakaalada AFP in ugu danbeyn la adeegsaday tubbooyinka waaweyn ee loogu tala galay dabka si meesha looga saaro shinnida.

Safarka diyaarada oo ku sii jeeday waqooyi bari Hindiya ayaa dib u dhacay muddo seddex saacadood ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan