Home / Caafimaad / Sidee ayuu dhafarka u saameynayaa dhalmada ragga?

Sidee ayuu dhafarka u saameynayaa dhalmada ragga?

Himilo – Daraasad ay sameysay jaamacadda Aarhus ayaa daaha ka qaaday in dhafarka badan ee ragga uu dhaawici karo heerka dhalmadooda marka loo fiiriyo ragga kale ee aan daahin habeenkii.

Baarayaasha ayaa soo helay natiijadda kaddib markii la wareystay 104 qofood oo ka qeyb galay baaritaanka iyadoo la qiimeeyay saameynta dhafarka uu ku reebay heerka dhalmadooda.

Khubarada ayaa xusay in ragga dhafra ee wakhti danbe gaara habeenkii inay u nugul yihiin khatar ku imaan karta heerka dhalmadooda sida ku cad natiijadda daraasadda.

Ragga taga firaashka 10:30 habeenimo ayaa lagu soo waramayaa inay afar jibaar ka sarreeyaan kuwa dhafra marka laga hadlayo heerka dhalmada.

Inta jiifata 7.5 illaa 8 saacadood ayaa iyaguna heysta fursad wanaagsan oo dhalmo ah marka lala barbardhigo kuwa hurda keliya 7 saacadood.

Baaritaanka ayaa sidoo kale tilmaamay in nuuca hurdada qofka sida inta jeer ee uu soo kaco habeenkii inaysan saameyn ku laheyn dhalmadiisa.

Xogta ayaa lagu soo gunnaanaday in qofka oo aan hurdin saacado badan isaga oo u baahan inay khatar ku keeni karta heerkiisa dhalmada.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan