Home / Caafimaad / Sidee ayuu furriinka waalidiinta u saameyaa carruurta?

Sidee ayuu furriinka waalidiinta u saameyaa carruurta?

Himilo FM –Carruurta waalidiintooda kala tageen ayaa u nugul buurnaanta darran marka loo fiiriyo dhiggooda ee la nool waalidiinta sida lagu sheegay baaritaan cusub.

Baarayaasha ayaa eegay halbeegga lagu cabiro culeyska BMI-ga ee ku dhawaad 7500 carruur ah laga bilaabo da’da sannadka koowaad ee dhalashadooda illaa 11-ka sanno.

Daraasadda ayaa daaha ka qaaday in carruurta ay waalidiitooda kala tageen in laga soo calaameeyay buurnaan darran oo ka badan inta laga rabo qofka caadiga ah.

Khubarada ayaa tilmaamay in carruurta la nool waalid aan aheyn aabbe ama hooyo inay u bandhigan yihiin hab-nololeed cunto oo liita sabab la xiriirta in aysan heysan waalid u diyaariya cunto hagaagsan.

Xoggaha ayaa laga soo uruurriyay daraasadda Millennium Cohort oo lagu eegay nolosha carruur dhalatay 2000 illaa 2002-dii.

Baarayaasha ayaa tilmaamay in waalidiinta kala tagay aysan wakhti badan u helin jadwalka cunto ee carruurtooda taasi oo ka dhigi karta ubadka kuwa nugul.

Buurnaanta darran ee carruurta ayaa loo arkaa mid kamid ah khataraha caafimaadka guud ee qarniga 21aad.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan