Himilo –Maamulka garoonka magaalada Munich ee Jarmalka ayaa baajiyay 130 duulimaad kaddib markii booliiska joojiyeen in la soo galo islamarkaana dadweynaha laga daad gureeyay goobta.
Waxay tani ka danbeysay markii booliiska bilaabeen raadinta qof rakaab ah oo si khalad uga soo galay qeybta laga baxo marka ay jirto xaalad deg deg ah sida uu qoray Wargeyska The Local ee Sweden.
Wargeyska ayaa intaa raaciyay in qofka rakaabka oo u dhashay Spain in uu ahaa qof lumay islamarkaana ka yimid magaalada Bangkok ee Thailand.
Waxaa laga helay Terminal-ka koowaad ee garoonka isaga oo ka soo galay qeybta laga baxo marka ay jirto xaalad deg deg ah ee Terminal-ka labaad.
Garoonka magaalada Munich ayaa lagu soo waramayaa in uu dib u shaqeeyay kaddib afar saacadood oo uu xernaa.
“ Ku dhawaad 130 duulimaad ayaa baaqday,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay maamulka garoonka oo la dhigay bogga Twitter-ka.
Lama shaacin magaca qofka rakaabka ahaa ee sababay khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay duulimaadyada baaqday.