Home / Caruurta / Sidee cunuggaaga uga dhigi kartaa mid qaata go’aanada saxda ah?

Sidee cunuggaaga uga dhigi kartaa mid qaata go’aanada saxda ah?

Himilo – Qaadashada go’aanada saxda ah waa arrin adag mar kasta. Si gaar ah carruurta, waxay ku qaadataa wakhti badan. Si uusan go’aanka u noqon mid ku dhisan caadifad waxaa loo baahan yahay xirfado badan.

Go’aan qaadashada ayaa ku adag dadka waaweyn, haddaba maxaad u maleynaysaa carruurta yaryar ee aan laheyn khibrad hore?

Bogga first cryparenting ayaa kuu soo gudbinaya 9 qoddob oo ka dhigi kara carruurta inay qaataan go’aano saxan islamarkaana ka fog madax-adeeg iyo falaaganimo.

1) Ka dhig cunugaaga mid la nool ficillada bannaankiisa ee ku hareereysan si uu wax uga barto cawaaqib xummada go’aanadiisa halkii laga garaaci lahaa keliya.

2) U oggolow cunuggaaga in uu khalad sameyn karo islamarkaana uu isaga xalin karo. Tani waa sababta carruurta wax badan uga bartaan tijaabooyinkooda.

3) Baro waxyaabaha cunugga uu diiradda saaro adiga oo ka kaalmeynaya in uu helo.

4) Bar cunugga waxa uu ku wanaagsan yahay iyo meelaha uu ka liito, tani waxay fursad u siineysaa in uu qaato go’aano dhaxalgal ah islamarkaana aqbalo guuldarrada.

5) Kala qeybgal cunugga noloshiisa maalinlaha ah islamarkaana kala sheekeyso.

6) Boggaadi go’aanada wanaagsan ee uu qaato cunugga adiga oo siinaya abaal-marin

7) Bar cunugga xiriirka ka dhaxeyn kara qofka iyo lacagta

8) Bar cunugga sida qiimaha saaxiibtinimada iyo sida loo xoojin karo

9) U muuji cunugga dareen is-dhul-dhig ah marka aad kala hadleyso khaladaadkiisa iyo sida loo daweyn karo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan