Home / Caafimaad / Sidee dhafarka u saameeyaa shaqada maskaxda?

Sidee dhafarka u saameeyaa shaqada maskaxda?

Himilo FM –Daraasad cusub ayaa daaha ka qaaday kala duwanaanshaha shaqada maskaxda dadka marka la eego dadka soo kaca xilli hore iyo kuwa ku daaha sariirta.

Khubaro ayaa baaray shaqada maskaxda dhowr qofood oo loo qeybiyay labo koox; koox kacda xilli hore oo aroortii ah iyo koox jiifta illaa labada iyo barka subaxnimo.

Baaritaanka ayaa muujiyay in dadka ka soo kaca hurdada xilli danbe in maskaxdooda dirto farriimo yar gaar ahaan dhinacyada qaabilsan garashada iyo wacyiga ee maskaxda.

Waxaa kale oo daraasada tilmaamtay in dadkani ka cowdaan diirad saarida oo ay ku liitaan iyo hurdo badan oo joogto ah.

Khubarada ayaa u badiyay tilmaamahan inay ka dhashaan cadaadiska ay ka cabanayaan dadka xilliga shaqada iyagoo dalbaday in la sameeyo daraasado dheeraad ah oo lagu oggaanayo saameynta dhafarka ku leeyahay caafimaadka bini’aadamka, shaqadiisa iyo waxbarashada.

Waxaa lagu sameeyay baaritaanka oo ka qeybgalay 38 qofood oo kala bar yihiin dadka hurda xilli hore habeenkii iyo kuwa caadeystay dhafarka.

Waxaa sidoo kale baaritaanka cadeeyay in dadka soo kaca xilli hore inay yihiin dad firfircoon oo si fudud uga gudbay tijaabooyinka la marsiiyay.

Baaritaano hore ayaa dhowr jeer muujiyay in dadka ka kaca xilli hore subaxdii yihiin dadka ku guuleysta nolosha.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan