Home / Caruurta / Sidee naas-nuujinta u saameynaysaa Cholesterol-ka?

Sidee naas-nuujinta u saameynaysaa Cholesterol-ka?

Himilo FM –Baaritaan cusub ayaa daaha ka qaaday in dhalaanka aan qaadan wax aan aheyn naas-nuujinta dabiiciga ah seddexda billood ee ugu horreysa noloshooda inay ka caafimaad badan yihiin carruurta kale ee lagu quudiyo cuntada.

Daraasadda ayaa si gaar ah uga hadashay heerarka cholesterol-ka ee labada dhinac oo ay caafimaad ahaan ku wanaagsan yihiin dhalaanka loo adkeeyo naas-nuujinta.

Dhaqaatiirta carruurta ayaa ku talinaya in cuntada dhalaanka lagu koobo naas-nuujinta dabiiciga ah lixda billood ee ugu horreysa dhalashada.

Baarayaasha ayaa tilmaamay in caanaha hooyada laga heli karo Cholesterol badan marka loo fiiriyo caanaha la warshadeeyo ee beddelka loo qaato. Caanaha aan hooyada ka imaan ayaa si tabban u saameyn kara caafimaadka dhalaanka marka uu gaaro da’ fog.

Daraasadda ayaa loo cuskaday baarista 3261 cunug oo ku dhashay Hong Kong sannadkii 1997-dii kuwaasi oo isugu jiray kuwa lagu quudiyay caanaha warshadeysan iyo dhalaan lagu bilaabay naas-nuujinta dabiiciga ah seddexdii billood ee ugu horreysay.

Waxaa laga soo calaameeyay carruurta aan la siin cunto balse lagu quudiyay naaska hooyada heerar hoose oo Cholesterol ah markay weynaadeen.

Baaritaanka ma caddeyn saameynta tooska ah ee naas-nuujinta ku leedahay heerarka Cholesterol-ka hase ahaatee Christopher Owen oo ah baare ayaa sheegay inay jiraan tusaalooyin ku saabsan in cuntada toddobaadyada ugu horreeya dhalashada cunugga saameyn ku reebayso xannuunada wadnaha iyo dhiigga.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan