Home / Habka-Nolosha / Sidee nin uu keligii rakaab uga noqday safar diyaaradeed?

Sidee nin uu keligii rakaab uga noqday safar diyaaradeed?

Himilo FM –Markii uu Skirmantas Strimaitis iibsanayay tikit diyaaradeed oo uu ku tagayo waqooyiga Talyaaniga ma uusan fileyn in uu noqon doono rakaabka keliya ee diyaaradda.

Ninka u dhashay Lithuania oo ka tagayay Vilnius kuna socday Bergamo oo isla Talyaaniga ah ayaa naxay markii uu oggaaday in diyaaradda Boeing 737-800 uu keligiis ka yahay rakaab.

Waxaa ku wehliyay safarka labo duuliye iyo 5 shaqaalaha diyaaradda oo qaadi karta rakaab dhan 189 qofood.

Strimaitis ayaa markii hore shakiyay oo u qaatay inay wax khaldan yihiin markii uu soo gaaray garoonka Vilnius International Airport islamarkaana loo sheegay inay sugayaan shaqaalaha diyaaradda.

Markii uu weydiiyay sababta iyo waxa dhacay ayaa lagu war geliyay inuu yahay rakaabka keliya ee diyaaradda qaadi doonto.

Shirkadda Novaturas ayaa u xaqiijisay CNN Travel in diyaaradda u socotay koox macaamiil ah oo laga soo qaadayo Bergamo, sidaa darteed waxay shirkadda bandhigtay safar tagis Bergamo ah oo aan dib loo soo celineyn qofka iyadoo hal qof oo ah Mr Skirmantas uu iibsaday hal tikit.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan