Himilo FM – Nin u dhashay Talyaaniga ayaa waxaa u suura gashay in uu khiyaano dalkiisa iyo dhammaan dadkii uu la noolaa muddo 10 sanno ah isaga oo sheegtay in uu gabay socodkii islamarkaana uu noqday naafo.
Roberto Guglielmi ayaa bilaabay in uu tababar u qaato qorshihiisa khiyaanada sannadkii 2007-dii isaga oo baadi goobayay qof ka caawiya fulinta howsha si dadka uu ugu qanciyo in uu yahay naafo taasi oo u suura galinaysa in la siiyo lacagaha nolosha ee dowladda bixiso.
Waxa uu Mr Roberto helay nin doonaya in uu la kireysto guri laakiin aan awoodin in uu iska bixyo kharashka. Waxay tani u noqotay fursad wanaagsan isaga oo kula heshiiyay in uu la jilo shil gaari oo uu ku naafoobayo si uu uga dhaafo lacagta kirada.
Ninka reer Talyaani ayaa intaa kaddib sameystay baaritaan caafimaad oo been abuur ah oo tilmaamaya in uu ka naafoobay socodka. Waxay dowladda u billowday lacagaha kala duwan ee la siiyo dadka naafada ah.
Mr Roberto ayaa muddo 10 sanno khiyaanayay dowladda iyo shacabka intaba illaa marka danbe la oggaaday sirtiisa islamarkaana la xeray.
Waxay tani ku timid markii laga shakiyay hab dhaqankiisa. Mar uu ka soo laabanayay safar nasiino oo uu ku tagay Togo, Roberto ayaa si nabad gelyo ah uga soo dagay diyaaradda isaga oo ku socda lugihiisa halka kursiga cuuryaamiinta uu u yaallay gudaha garoonka.
Booliiska ayaa xeray ninka oo la tilmaamay in uu dowladda ka helay 155 kun oo doolar intii uu ku guda jiray qorshihiisa khiyaanada ee 10 jirka ah.