Home / Arrimaha Bulshada / Sidee qofku aqoontiisa si samafal ah ugu celin karaa bulshadiisa?

Sidee qofku aqoontiisa si samafal ah ugu celin karaa bulshadiisa?

Himilo – Dunida marna mayeelan maalin la wada ladan yahay: mana yeelan maalin la wada dhibtoon yahay. Hayeeshe maalinna way kasii naruuro fiican tahay maalin kale. marka aynu leenahay saaxiibo rumaad, dharaar walba waxay leedahay milgo.

Waxaa jira maalmo dhaama maalmaha oo qofka dubaaqiisa ku reebaa abaal aan go’in ama mahadho aan tirmin. Marka maalmaha adag ay isku kaa biirsadaan – haddii aadan helin gacan ku taageerta – waxaa ku galaya niyad-jab.

Abaalka Aadmigu isku galo ma ahan arrin la xiriirta caqiidadiisa oo kaliya. Waxaa jira baxaalli insaani ah oo qofka ku beeran kaas oo dareenkiisa ku hoggaamiya inuu saacido dhiggiisa.

Dunida inta macluusha iyo gaajada la nool waxaa ka badan inta dheregta dhibaatada ay ka helaan la dhiban. Halka insaan badan oo ladan uu noloshiisa gaarka ah ku mashquulay qurxinteeda, waxaa jirta in kale oo ladan oo maya ku tiraahda musiibooyinka iyo marxaladaha adag oo insaanka dhiggiisa ah uu la nool yahay. Waana iftiin hadiyo jeer u shidnaa dadka liita iyo abaal loo ergeysto oo ay kaga mahdiyaan kuwa ladan.

Balse falsafaddan insaaniga ah ma ahan mid loo wada siman yahay dadyow ahaan. Xittaa in kasta oo dad badan oo diinta Islaamka heysta ay ku ladan yihin dunida, waxaa jira walaalo Muslimiin ah iyo ina Aadan kale oo heliwaaga gargaarkooda nolosha ugu rafaada. Waxay yiraahdeen Muslimiintu waa dadka ugu hodansan adduunka uguna faqriga badan.

Mowduuca falsafadda cadaaga ama wax bixinta waxaa muuqata inaynan si qoto dheer u fahmin. Dhammaanteen waxaan u badannay hal dhinac inaan ka eegno wax bixinta. Qof walba oo shaqeysta, wuxuu caadaystay inuu miraha dhididkiisa sadaqeysto. Laga soo bilaabo qofka caalimka ah iyo midka caamada, fikirkeennu waa iskaga mid.

Kasokow sida Muslimiintu maanta ay uga hooseeyaan umadaha kale heer nololeed ahaan, haddana dhibta gaarka inoo heysata ma ahan wax soo saarkeenna oo liita. Sida aan iskugu faa’iideyno kaalinta midba uu kan kale dheer yahay waxay noqon lahayd mid wax weyn ka qabata dhibaatooyinka ina heysta. Balse aalaaba madhacdo taasi. Wax fudud ayay iska noqotay in qofku uusan cibaado u arag waqtigiisa qeyb kamid ah inuu cilmigiisa uga faa’iideeyo – qaab samafal ah – bulshada u ooman.

Qiyaas haddii qof kasta oo Soomaali ah xirfadda uu ku shaqeysto uu si samafal ah – waqtigiisa ugu khidmeeyo dadka u baahan oo aan qarashka iska bixin karin.

Tusaale ahaan, haddii qofka timajaraha ah uu timaha lacag la’aan bishiiba mar ugu jaro ilmaha darbi-jiifta – bedelkii uu lacag kasiin lahaa – saameyn intee la’eg ayay qalbigoodu ku reebeysaa? Haddii jirdhise kasta oo xarun jirdhis u furan tahay uu dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay usii dheer tahay dhaqaal-yarida uu bilaash isbuuciiba laba jeer uu laba qof jimicsi ugu sameeyo, qalbigooda niyad ahaan waxay ku reebeysaa inaysan dareemin takoor iyo cidlo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan