Home / Dhaqaale / Sidee Robot-yada mustaqbalka u saameyn doonaan shaqooyinka bini-aadamka?

Sidee Robot-yada mustaqbalka u saameyn doonaan shaqooyinka bini-aadamka?

Himilo – Robot – aaladda caaqilka ee gacan ku sameyska – waa mid loo adeegsado wax soo saarka, howlgallada badbaadinta iyo milatariga, iyada oo ay hadda adeegsadaan shirkadaha waa weyn taasi oo sababtay in dadyow badanni ay lasoo deristo shaqo la’aan, maadaama booskooda loo qaatay robodka.

Tobankii sanno ee la soo dhaafay, warshadaha adduunka waxaa si weyn saameyn ugu yeeshay  robot-yada oo sarre kac ballaaran uu ku yimid isticmaalkooda, waxaana la saadaalinayaa inuu si dhakhso ah u kori doono 10-ka sanno ee soo aadan, taasi oo uu hoggaaminayo dalka Shiinaha oo hadda loo arko hoggaanka tijnoolijiyadda casriga ah.

Sida ay daraasad kusoo saartay Oxford Economics, waxa uu hoos u dhac ku imaan doonaa 20 milyan oo ah shaqooyinka ay qabtaan dadka iyada oo ay beddeli doonaan manoolayaasha leh suuradda aadanada marka la gaaro sannadka 2030-ka. Daraasadda ayaa intaasi lagu daray, in 11-ka sanno ee soo socda 14 milyan oo robotyo ah ay shaqada bini-aadamka qaban doonaan keliya gudaha Shiinaha.

Tan iyo 2000, Qiyaastii 1.7 milyan oo shaqooyin ah isla markaanna ay qaban lahaayeen dadka waxaa lumiyay fursaddaasi aaladdan leh muuqa iyo dhaqanka bani’aadanka, oo ay ku jiraan 400,000 oo qaaradda Yurub ah, 260,000 oo Mareykan ah, iyo 550,000 Shiinaha.

37% , shaqaalaha dunida ayaa ka walaacsan in shaqooyinkooda ay u waayaan robot-yada kuwaasi oo hadda saameyn weyn ku yeelanaya, iyada oo uu koror ku imaanayo tirada shaqooyinka robot-ka 14% sannad waliba taasi oo caddeyn buuxda u ah in walwal uu halkaasi ka imaan karo.

In ka badan 70% dadku waxa ay diyaar u yihiin inay kordhiyaan maskaxdooda iyo jirkooda si ay u horumariyaan mustaqbalkooda shaqo, halka marka la gaaro sanadda 2022-ka, wadarta saacadaha shaqada ay dadka qabtaan ay hoos u dhici doonto 13%.

Sannadkii 2012-kii, shirkadda Amazon waxay qarash garreysay $ 775 milyan si ay u iibsato shirkad dhalinyaro robotyo ah oo la yiraahdo Kiva Systems kuwaasi oo alaabaha kasoo qaadaya shaqaalaha isla markaana u wareejinaya shaqsiyaadka kale ee ku guda jira shaqada.

Maanta, Amazon waxay leedahay in kabadan 200,000 robotyo oo ka shaqeeya bakhaarrada isla markaanna la dhinac ah boqolaal kun oo shaqaale bini-aadam ah. Ciidankan robot-ka ah ayaa ka caawiyay shirkadda inay fuliso ballan-qaadkeedii ahaa in ay meel sarre gaarsiineyso adeegyada ay u baahan yihiin macaamiisha.

Khubarrada tiknoolijiyadda ayaa rumeysan in faa’ido uu leeyaay istcimaalka robot-ka iyaga oo doodooda sal uga dhigay in uu awood u leeyahay shaqooyin aysan qaban Karin bini-aadamka sida in uu shaqeyn karo 168 saac oo ah saacadaha todobaadka oo dhan  la’aanta hurdo, cunto, iyo caajis la’aan, isla markaanna loo adeegsan karo dhinaca sirdoonka oo uu kaaga soo xog warami karo meel ay ku adag tahay dadka.

Balse taa caksigeeda waxaa jira wax aan laga mahdin oo ay leeyihiin robot-yada sida in ay  u baahan yihiin sahay koronto, dayactir si ay usii shaqeeyaan, in marka lasoo iibininayo ama marka la sameynayo ay ku kaceyso lacag fara badan, caqabada waxa uu  sababi karaa in bini-aadamku ay waayaan shaqooyinka warshadaha.

Mar uu ka hadlyay Erich Fromm saameynta robot-yada waxa uu yiri: “Halista aan kasoo gudubnay qarniyadii tegay waxa ay aheyd in bani’aadnka la addoonsado, balse khatarta mustaqbalka waxa ay tahay in baniaadamku beddelo ama noqdo robot”.

W/Q: Maxamed Xasan Maxamed

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan