Home / Macluumaad / Sidee shimbir uu carqalad ugu noqday mashruuc dhuxul?

Sidee shimbir uu carqalad ugu noqday mashruuc dhuxul?

Himilo FM –Shimbir khatar ugu jira dabar go’ ayaa carqalad ku noqday mashruuc dhuxul looga qodayo god weyn gobalka Queensland ee dalka Australia.

Xukuumadda gobalka ayaa u sheegtay shirkadda mashruuca oo Hindiya laga leeyahay in aysan ku qancin qorshaha lagu ilaalinayo shimbirka xilli la qodayo god laga soo saarayo 27 Milyan oo tan oo dhuxul ah.

Sida laga soo xigtay bogga International News, xukuumadda gobalka Queensland ayaa u aragtay qorshaha shirkadda soo bandhigtay ee lagu badbaadinayo shimbirka mid aan ku filneyn si loo ilaaliyo shimbirka dhirirkiisu yahay 10 Sentimitir.

Tani waxay ka dhigan tahay in xukuumadda ka doorbidday mashruuca ilaalinta shimbirka mar la aragga ah.

Shimbirka ayaa khatar ugu jira dabar go’, waa sababta ku riixaysa xukuumadda Australia in la badbaadiyo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan