Marka taariikhda dalka dib loo eego, waxaa ku daabacan kooxo dhalinyaro is abaabulay ah, kuwaasi oo siyaabo kala duwan xoogooda u geliyay Wadanka.
Marka la yimaado inta xoogga taban ugu yahoobay dalka, tusaale ku noqday, sida dhalinyaraddii SYL ee soo hoysay xorriyadda gobollada koofureed. Waxaa jiray in kale oo ku caan baxday falal taban sida ciyaal Faa Cali.
Kooxdan dhalinyarada ah, kaddib markii uu batay dhibka ay ku hayaan bulshada, ayaa waxaa soo faragelisay dowladdii milatariga ahayd, iyada oo billawday inay xirxirto. Waaya aragga caasimadda ayaa mushkiladda dhalinyarada ciyaal weero ee taagan la barbardhiga kooxdii Faa Cali.
Haddaba Sidee wax looga qaban karaa dhalinyaradan dhibka ku haya shacabka Muqdisho? Doorka waalidiinta dhalay muxuu yahay? Marka laga yimaado waalidka yey tahay inay u istaagaan si wax looga qabto? Dhaqan celin loo sameeyaa xal ma u noqon kartaa? Weydiimahaan iyo kuwa kale ayaan hordhignay Dr C/llaahi Beydhabo oo bartay cilmiga educational Psychology ahna bare jaamacdeed.
Halkan ka dhegeyso Wareysiga