Home / Habka-Nolosha / Silva oo heshiis cusub doonaya inuu kooxdiisa la galo.

Silva oo heshiis cusub doonaya inuu kooxdiisa la galo.

Muqdisho – David Silva wuxuu doonayaa heshiis cusub la galo kooxdiisa Manchester City iyo jawaab loo hayo ducadiisa horyaalka UCL.

Silva ayaa sanadkii 2011 wuxuu Valencia kaga soo biiray kooxda Etihad ku ciyaarta, wuxuuna la sameeyey guulo ay kamid yihiin hanashada horyaalka EPL.

Xiddigan Spain u dhashay wuxuu hiigsi fiican iyo qadarinba ka heystay macalin Pep Guardiola oo shaxdiisa hore ku muujiya laacibkan. City waxay maanta wajahaysaa kooxda Napoli iyada oo heysata saddex guul oo horyaalka Champion League ah.

Xiddiga Silva, oo 31-jir ah kaas oo heshiiskiisu dhici doono sanadka soo aadan wuxuu aad ugu hanweyn yahay inuu ciyaarihiisa ku idleysto kooxda City.

“Waxay ila tahay inaan heshiis dhaqsi ah saxiixi karo, waayo waxaan doonaya inan halkan sii joogo 10-ka sano ee soo aadan,” ayuu yiri. “Waxaan ku duceystaa habeen walba in kooxdu ku guuleysato horyaalka Champion League.”

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan