Home / Habka-Nolosha / Simeone ayaa dareensan inay wali leeyihiin rajo ay kaga soo kabsan karaan guul-darradii Real Madrid

Simeone ayaa dareensan inay wali leeyihiin rajo ay kaga soo kabsan karaan guul-darradii Real Madrid

Muqdisho – Macalinka naadiga Atletico Madrid, Diego Simeone ayaa iska diidan inuu ka quusto tartanka ay ugu jiraan koobka UCL tiiyoo 3-0 guul-darro ay kala soo kulmeen kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee Real Madrid.

Cristiano Ronaldo ayaa jamaahiirtii sugan gegida Santiago Bernabeu ku marqaati geliyay saddexley kale – in yar kahor markii Bayern Munich uu kasoo dhaliyay saddexley.

Atletico ayaa helin taniyo sanadkii 2014 fursado ay kaga soo baxsato loolanka UCL ee ay la gasho kooxda Real Madrid. Xalayna waxay u aheyd habeen kale oo aysan jecleysan.

Hayeeshe Simeone ayaa lugta xigta ee u dhiman darteed, diidaya inuu quus dareemo.

“Lugta labaad way soo soctaa,” ayuu yiri. “Dad badan ayaa rumeysan inaysan suura-gal aheyn, hayeeshe aniga ahaan way ila tahay.”

“Kubadda cagtu waa meerto. Wax aadan fileyn ayaa kugu dhacaya mararka qaar. Waxayse ila tahay inaan wali heysanno fursad fiican.”

“Waa casharro adag hayeeshe kubadda ayaa sidaas u dhigan. Ilaa iyo dhibicda ugu danbeysa maangalnimada waynu ciyaari doonnaa.”

Simeone ayaa u qiray Real kubbad wanaagii ay xalay ku ciyaartay. Hayeeshe marna kuma qaadin inuu qoomameeyo.

“Waxa aan nahay Atletico Madrid, waana ay leennahay kartideeda.”

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan