Muqdisho – Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaan u safri doonin waddanka Ingiriiska kulanka ay kooxdiisu Stamford Bridge kula ciyaari doonto naadigiisi hore ee Chelsea.
Diego Simeone ayaa go’aansaday in Diego Costa uu uga tago Spain iyada oo Atletico ay isku diyaarineyso kulanka Champions League oo ay ku wajihi doonaan kooxdii hore ee laacibkan.
Costa ayaa kasoo tagay Chelsea bishii September markii uu hoos u dhac ku yimid xiriirkii u dhexeeyey isaga iyo tababbaraha kooxda Chelsea, Antonio Conte wuxuuna go’aansaday inuu dib ugu soo laabto kooxdiisii hore ee Atletico, oo uu kasoo tagay sanadkii 2014.
Spanish-kan heerka caalami ayaan loo ogolaan doonin safashada kulankiisa ugu horreya Atletico tan iyo bisha January, marka loo eego soo laabashadiisa. Simeone oo ka war-qaba isku dhacyada laacibkiisa iyo kooxda ka dhisan London ayaana go’aansaday inuu xiddiggiisa kaga tago caasimadda Spain.
Mar wax laga weydiiyey sababta uusan 29-kan ugu soo duulin London Simeone ayaa ka sheegay shirkiisii jaraa’id ee kulanka ka horreeyey in uu yahay macalinka kooxda: go’aan qaadashaduna ay isaga hoos taallo. Wuxuu yiri; “Maxaa yeelay waxaan ahay macalinka, waxaan sameeyey go’aan sax ah waxaana filayaa inuu ahaa mid u wanaagasan naadiga. Uma maleynayo inaan u baahanahay inaan ka fekerno wax badan, waxaan u baahanahay inaan ka fekerno ciyaarta.”
Costa waxa uu joogay garoonka kooxda ee Wanda Metro Politano markii Chelsea ay 2-1 guushu ku raacday lugtii hore.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.