Home / Cayaaro / Sissoko “Mourinho waa mustaqbalka kooxda.”

Sissoko “Mourinho waa mustaqbalka kooxda.”

Himilo – Khadka dhexe ee Tottenham Hotspur Moussa Sissoko ayaa ku adkeystay in kooxda ku farraxsan tahay tababare Jose Mourinho.

Tababaraha khibradda badan ayaa guuleystay 11 kulan balse waxa uu guuldarro la kulmay sagaal kamid ah 26 kulan oo uu maamulayo Spurs tan iyo markii uu beddalay Mauricio Pochettino bishii December ee sannadkii hore.

Tottenham Hotspur ayaa ku dhibtootay inay sameyso joogteyn sannadka 2020-ka hase ahaatee Sissoko ayaa meesha ka saaray jiritaanka xasillooni darro isaga oo ku tilmaamay Mourinho “Mustaqbalka kooxda.”

Waxa uu intaa raaciyay “Waan ku farraxsanahay Mourinho, waxa la yimid dardar cusub,” Europe 1 ayaa sidaasi ka soo xigatay Sissoko.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan