Mareegta caan ka ah ee Sky Sports ayaa daabacday magacyada xidigaha u sharaxan abaalmarinta xidiga bisha horyaalka ingiriiska Ee PFA Player Of The Month bishaan dhamaadka ah ee November 2016.
Abaal marintaan ayaa labixiyaa bil waliba iyada oo ay ku tartamaan xidigihii shaqada fiican u qabtay kooxahooda bishaas waana abaal marin xiiso u leh ciyaartooyad horyaalka English-ka.
Hogaamiyaha weerarka Manchester City ee Sergio Aguero ayaa tartan ba’an kala kulmaya ciyaaryahanka Chelsea ee Victor Moses oo hadda helay qaab ciyaareedkisii ugu wanaagsanaa, iyo xidiga kubad qaabeeyaha ah ee Gylfi Sigurdsson kaas oo u ciyaara kooxda lagu naaniisao The Swans ee Swansea City.
Laacibiintaan waxaa abaalmarintaan kula dagaalami doona xidiga Sunderland ee Victor Anichebe, garabka West Brom Matt Phillips iyo xidiga Kooxda Watford ee Nordin Amrabat.
Codaynta ama Codadkii ilaa haatan majaladda ay qaaday waxaa ugu sareya ciyaaryahanka madoow ee Kooxda Chelsea Victor Moses oo helay 47 %boqolkiiba waxaana ku soo xiga xidiga Swansea Gylfi Sigurdsson oo isna helay 17% boqolkiiba, sidaas oo kale waxaa isna kor u socda xidiga Watford ee Nordin Amrabat oo isna keensaday 13% boqolkiiba , laacibka Sunderland ee Victor Anichebe ayaa isna haysta 10% boqolkiiba laakiin waxaa wali aad u muuqan laacibka reer Argentina ee Sergio Aguero kaas oo codayntii la diibtay ilaa iyo hadda ka haysta 9% boqolkiiba.