Home / Cayaaro / Sokratis oo sheegay in uu ka tagayo Arsenal

Sokratis oo sheegay in uu ka tagayo Arsenal

Himilo FM –Daafaca Arsenal Sokratis Papastathopoulos ayaa soo jeediyay in uusan sii joogi doonin kooxda kaddib marka uu dhammaaday qandaraaskiisa.

30 jirkan ayaa ka mid ahaa shan saxiix oo cusub oo uu sameeyay tababaraha kooxda Unai Emery xagaagii lasoo dhaafay isagoo qalinka ku duugay heshiis labo sanno ah oo uu ku sii joogayo Emirates Stadium illaa 2021.

Sokratis ayaa si joogta ah ugu ciyaaray Gunners xilli ciyaareedkan isagoo 26 kulan u saftay tartamada oo dhan laakiin waxa uu sheegay in uu ka fekerayo sidii uu ugu tagi lahaa kooxda ka ciyaarta Premier League.

“Xagaagan waxa aan noqon doonaa 31 jir, waxaan haystaa labo sanno oo qandaraaskeyga Arsenal ah, ka dibna waxaan jeclaan lahaa in aan ka ciyaaro Mareykanka ama Asiya.”

Sokratis ayaa la filayaa inuu lug ku yeesho kulanka Arsenal ay wajaheyso Rennes lugta hore ee Europa League wareegga 16-ka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan