Home / Cayaaro / Solari “Real Madrid waxay dooneysaa inay wajahdo Messi.”

Solari “Real Madrid waxay dooneysaa inay wajahdo Messi.”

Himilo FM –Tababaraha kooxda Real Madrid Santiago Solari ayaa rajeynaya in xiddiga Barcelona Lionel Messi uu taam u noqdo kulanka El Clasico ee Arbacada isaga oo yiri “waxaa inoo  fiican inaan wajahno ciyaartoyda ugu fiican.”

Xiddiga reer Argentine ayuu shaki ku jiraa kulanka caawa ee Camp Nou kaasi oo ah  lugta koowaad ee semi-finalka koobka boqorka dalka Spain.

“Waxaan ahay taageere kubadda cagta ah, waxaan dooneynaa ciyaartoyda ugu fiican inay ciyaaraan kulamada ugu waaweyn,” ayuu Solari u sheegay suxufiyiinta sida uu qoray wargeyska Marca.

Waxa uu intaa raaciyay “waxaa inoo fiican  inaan wajahno ciyaartoyda ugu fiican, waana sababta aan ugu ciyaareyno ciyaaraha – waa sida ay tahay.”

Kulanka ugu xiisaha badan dunida ayaa caawa  lagu wadaa in uu ka qabsoomo garoonka Camp Nou oo ay ku ciyaarto Barcelona lugta koowaad ee koobka boqorka dalka Spain ciyaar soo geli doonta saacadda marka ay tahay 11 habeennimo.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan