Home / Cayaaro / Solskjaer oo doonaya in sedex Laacib laga Diro Man United

Solskjaer oo doonaya in sedex Laacib laga Diro Man United

Himilo FM –Ole Gunnar Solskjaer ayaa ceyrin doono seddex ciyaaryahan oo Man United ah inkastoo uusan helin heshiis joogto ah oo uu ku joogo Old Trafford xagaaga soo aadan.

46 jirkan ayaa labo jeer la kulmay madaxa kooxda United Ed Woodward isagoo kala hadlay ciyaartoyda uu doonayo in la fasaxo xilli ciyaareedka soo aadan.

Kabtanka kooxda Antonio Valencia ayaa durbaba xaqiijiyay inuu ka tagayo iyadoo heshiiska Ecuadorian-kan  uu ku egyahay dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Macalinka United ayaa diiday in uu siiyo Valencia heshiiis cusub.

Waxa  uu heystaa fursado uu kaga mid noqon karo Arsenal, West Ham iyo Inter Milan, waxaana uu si fiican u ciyaaray kulankii ugu dambeeyay ee United.

29 jirka reer Argentine Marcos Rojo ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu diro macalinka reer Norway, isagoo dhaawacyo ay kusoo laablaabanayaan.

Ugu dambeyntii Alexis Sanchez oo £ 500,000 toddobaadkii mushaar ahaan uga qaata tan iyo bishii Janaayo 2018 ayaa ah xiddiga kale oo la damacsanyahay in kooxda laga diro.

Sanchez ayaa loo arkaa inuu dheeri ku yahay kooxda iyadoo Chilean-kan ay soo wajaheen dhaawacyo badan tan iyo billowgii xilli ciyaareedka sida ay sheegtay Daily Star.

30 jirkan ayaa ciyaaray 20 kulan tartamada oo dhan isagoo dhaliyay keliya hal gool kulankii Everton ee bishii December.

Solskjaer ayaa weli fursad u  heysta Champions League iyo booska afarta kooxood ee ugu sarreeya tartanka Premier League xilli ciyaareedkan.

United ayaa dhawaan ku aaday Barcelona isku aadkii quarter-finalka tartanka CL.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan