Home / Cayaaro / Solskjaer oo u sheegay Man United inay la soo saxiixdaan Sean Longstaff

Solskjaer oo u sheegay Man United inay la soo saxiixdaan Sean Longstaff

Himilo – Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhiirrigeliyay Ed Woodward inuu soo  xero galiyo xiddiga kooxda Newcastle United ee Sean Longstaff.

Ka dib markii uu dhameystiray saxiixyada Daniel James iyo Aaron Wan-Bissaka, United ayaa isku dayeysa inay ku darto ciyaaryahan cusub oo khadka dhexe ka ciyaara sabab la xiriirta ka tagista Ander Herrera iyo Paul Pogba.

Kooxda waqooyi galbeed waxaa lala xiriiriyay Longstaff muddo dhowr isbuuc ah, ka dib markii ninka reer England uu soo bandhigay bandhig wanaagsan oo uu ku sameeyay ololihiisii  ugu horreeyay ee St James Park.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Star, Solskjaer ayaa ku amray Woodward inuu la soo  saxiixdo 21 jirkan isagoo doonaya inuu siiwato la soo wareegida ciyaartoyda khadka dhexe.

Newcastle ayaa lagu soo waramayaa inay ku dalbaneyso in ka badan 20 Milyan oo ginni  21 jirkan, inkastoo uu  siddeed kulan oo Premier League ah ku soo billowday .

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan