Himilo – Dhaqanka Soomaalida ee wanaagsan waxaa ka mid ah Xifdinta Diinta Islaamka oo ay inta badan uga duwanyihiin Muslimiinta Caalamka.
Waxyaabaha Soomaalida u suurageliyay xifdiga Qur’aanka waxaa la isku raacsanyahay in uu qeyb ka yahay Subaca xilliyada ardeynimada Dugsiga iyo marka la waaweynaado intaba.
Dhaqamada quruxda ee gaarka u ah umadda Soomaaliyeed waxaa mar iyo goor kastaba laga xusi karaa Subaca – oo ah wadajir ugu fariisiga dusha ka aqrista Qur’anka iyada dhamaadka aayaddana lawada hoorinayo. Waana tilmaanta koobaad ee lagu sifeeyo Soomaalida mar kasta oo laga sheekeynayo sida hibada leh oo ay ula koraan barashada diinta Islaamka.
In kasta oo aan la ogeyn goortii iyo halkii ay Soomaalidu sida fog ula qabsadeen habkan qeybta weyn ku leh xifdinta Qur’anka, hadana waxaa had iyo jeer laga mahad naqaa sida jiilba jiilka kasii danbeeya uu dhaxal ahaan ugu reebo.
Balse dhamaan dadka Subaca ku wada jira Qur’anka kuma soo wada dhigan hal fusxo. Dugsiyo kala duwan oo ku kala yaaal meelo kala duwan ayaa loogu dhigay Qur’anka oo aysan isku si mararka qaar fusxo ahaan ugu wada dhawaaqi karin.
Hayeeshe taasi kuma ahan caqabad muuqata.
Isku imaantinkooda halkan, aalaaba waxay ku timaadaa si sahlan, marka laga tilmaan qaato sida ay ugu xisaabtamayaan dhalashada bisha Soonqaad.
Kal-fadhiga habeen kasta oo laba-jus looga kaco muddo dhan saddex saacadoodood, waxay ka dhigan tahay in bishii laba mar ay dejiyaan Qur’anka oo dhan.
kooxdan sida wadajirka ah subaca ugu fadhida si weyn ayay isku garanayaan waayoo ka hor ramadaan-ka ayay soo subcin jireen balse hada waxaa ku soo kordhay sobacii oo noqday labo qeyb. qeyb habeen kii ah oo bisha Ramadaan lagu soo dhaweynayo Subac soon iyo qeybta duhurkii la aqriyo oo ramadaan iyo ramadaan la’aanba la aqriyo.
In subac la aqriyo bisha Soonqaad, dad badan waxay u arkaan fursad aysan heli Karin bilaha kale oo ay ku xifdiyaan Qur’anka
Dadku mawada heli karaan bilaha kale fursad ay ku kulmaan – mashquul awgiis, sidaas darteed bishan waxay fursad weyn u tahay kuwa aan dejin karin bilaha kale.