Home / Arrimaha Bulshada / Soomaalida ku nool Mozambique oo culeys adag wajahaya.

Soomaalida ku nool Mozambique oo culeys adag wajahaya.

Himilo-Soomaali badan oo ganacsato ah ayaa dhac iyo boob loogu geystay dalka Mozambique oo ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay natiijada doorashada lagu muransan yahay ee dalkaasi.

Soddon iyo saddex qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen iska horimaad dhex maray ciidamada dowladda iyo dibadbaxayaal, iyada oo kumanaan ay ka baxdadeen xabsiyada, sida uu shir jaraa’id ku sheegay taliyaha booliiska oo lagu magacaabo Bernardino Rafael.

Mudaaharaadyo ayaa bilowday ka dib markii maxkamadda ugu sarreysa Mozambique ay xaqiijisay in xisbiga Frelimo ee talada haya tan iyo 1975-tii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee bishii Oktoobar dhacday.

Soomaalida ku nool Mozambique oo culeys adag wajahaya.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan