Himilo FM – Xasan Cabdullaahi oo ku magac dheer Karaama waxa uu qeyb ka yahay ciyaartoyda ugu magaca sarreeya kubadda cagta Soomaaliya, waxa uu ka ciyaara booska goolhayenimada isaga oo hadda kamid ahaa kooxda Horseed.
Waxa uu u soo ciyaaray naadiyo dhowr ah sida Dahabshiil oo uu kula soo ciyaaray horyaalka heerka labaad, Heegan iyo Jeenyo ayuu horey u soo maray xiddigan.
Karaama ayaa bartiisa bulshadda ee Facebook waxa uu asxaabtiisa kula wadaagay in uu joojiyay ciyaarista kubadda cagta.
“Marka hore waan idin salaamay dhammaan asxaabteyda, marka xigta waxaan idinla socodsiinayaa in aan iska joojiyay ciyaarista kubadda cagta, waxa aan halkaan mahad celin ugu dirayaa inta koox ee aan u soo ciyaaray,” ayuu ku sheegay qoraal uu Karaama dhigay boggiisa bulshadda.
Xasan Karaama oo la hadlay Radio Himilo ayaa si rasmi ah u carabaabin sababta ka danbeysa joojinta ciyaarista kubadda cagta, waxa uuna sheegay in uusan ciyaari doonin horyaalka dalka oo dabayaaqadda bishan furmi doona. Karaama ayuu heshiiskiisa dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedka danbe.