Home / Arrimaha Bulshada / Soomaaliya oo 54 sanno kadib hogaanka u qabatay golaha Amaanka ee QM

Soomaaliya oo 54 sanno kadib hogaanka u qabatay golaha Amaanka ee QM

Soomaaliya ayaa si rasmi ah dib ugu biiray xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, 54 sannad⁹ood kaddib.

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Ammaanka, gaar ahaan 10-ka xubnood ee aanan joogtada aheyn. Waxay kursigan ku matali doontaa Bariga Africa muddo laba sannadood ah oo ka billaabatay 1-di bishan January ee sannadkana 2025-ka oo shalay ku beegneyd ilaa sannadka 2026-ka.

Kursigan ayaa Soomaaliya waxa loo doortay bishi June ee sannadki aanu kasoo gudubnay ee 2024-ki. Waxana ay isku mar shalay Golaha Ammaanka iskula soo biireen dalalka Pakistan, Panama, Denmak iyo Giriigga.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan