Muqdisho – Tottenham ayaa isku dayi doonta inay lasoo wareegto laacibka difaaca bidix ee uga ciyaara kooxdahave Fulham, Ryan Sessegnon si uu bedel ugu noqdo laacibka la rajeynayo inuu ka tago kooxda ee Danny Rose, sida ay warinayso mareegta Sky Sports.
Rose mustaqbalkiisii dheeraa ee Spurs ayuu dhaawac ku yimid markii uu kooxda usoo jeediyey dhaleeceyn ku aadan qaabka ay naadigu u maamusho suuqeeda, naadiyada Chelsea iyo Manchester United ayaana si dhow loola xiriirinayaa laacibkan saddexda libaax.
Haddii Spurs ay go’aansato inay iibiso xiddigan heerka caalami ee reer England, hana-qaadka Fulham, Sessegnon ayaa ah dooqa koobaad ee lagu badelayo Rose, halka difaaca United Luke Shaw uu isna yahay dooq kale oo badel u noqon kara laacibkan.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.