Himilo – Sri Lanka ayaa ku guuldareysatay inay jabiso rikoorka caalamiga ee lagu kulmiyo mataanayaasha ugu badan caalamka sida warbaahinta dalkaasi laga soo xigtay.
Mataanayaasha ugu badan ayaa la qorsheynayay in lagu kulmiyo goob ku taalla caasimadda Colombo balse waxaa dhacday in qulqulka dadka uu noqday mid aan hagaagsaneyn.
Qabanqaabiyaasha kooxda Sri lanka Twins Group ayaa goor sii horreysay ugu baaqay mataanayaasha dalka oo dhan inay isugu yimaadaan garoon lagu cayaaro kubadda cagta oo ku yaalla Colombo.
Ujeedka kooxda ayaa ahaa in la jabiyo rikoorka Taiwan oo sannadkii 1999-kii kulmisay mataanayaashii ugu tirada badnaa. Waxaa goob qura tagay 3961 mataane.
Inkasta oo mataanayaal badan yimaadeen goobta haddana safka dheer oo ay galeen iyo nidaamka khaldan ayaa caqabad ku noqday qabanqaabiyaasha.
Sri lanka Twins Group ayaa rajo ka qabta inay sameeyaan dadaal kale iyaga oo kulminaya mataanayaasha ugu badan si ay u helaan aqoonsiga hay’adda Guinness World Records.