Himilo – Maamulka garoon ku yaalla Sri Lanka ayaa gacanta ku dhigay nin u dhashay Shiinaha oo boorso ku dhoofinayay 200 dib-qalooc nool.
Afhayeen u hadlay waaxda canshuuraha Sri Lanka Sunil Jayarathna ayaa u sheegay shabakadda CNN-ka in ninka uu ka soo dhoofay garoonka Kuala Lumpur isaga oo ku sii jeeday koonfurta Shiinaha kahor inta aan lagu qaban Sri Lanka.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay dib-qalooc tiro badan oo ku jira gudaha boorso weyn oo uu ku dhoofayay ninka la qabtay.
Maamulka Sri Lanka ayaa sii daayay ninka kaddib markii uu bixiyay ganaax lacageed oo gaaraya 552 kun oo doolar.
Waxaa xusid mudan in dib-qalooca loo adeegsado arrimo caafimaad gudaha Shiinaha iyada oo dad badan aaminsan yihiin in suntiisa yareyso xannuunada murqaha iyo neerfaha.
Dhowr jeer oo hore ayaa lagu qabtay Sri Lanka dad dhoofinayay xayawaanno iyada oo lagu riday xukuno kala gedisan.