Home / Macluumaad / Su’aalaha ay tahay in aad ka jawaabto kahor qorshayaashaada cusub ee 2020-ka

Su’aalaha ay tahay in aad ka jawaabto kahor qorshayaashaada cusub ee 2020-ka

Himilo- Sannadka cusub ee 2020-ka ayaa nagu soo wajahan, qof kasta ayaa ku fekeraya qorshayaal cusub oo uu doonayo in uu xaqiijiyo sannadka soo socda balse waa muhiim in qofka uu isweydiiyaa jawaabaha su’aalaha soo aadan kahor inta uusan qaadan go’aan.

Karen Klipel oo ku taqasustay cilmi nafsiga ayaa sheegtay in go’aanada maan-galka ah la qaadan karo xilli kasta balse kuwa la qorsheysto billowga sannadka loo arko fursad qofka uu ku beddali karo hab-nololeedkiisa.

Sidaa darteed, waxaa jira arrimo badan oo ay tahay in lagu xisaabtamo kahor qaadashada qorshayaal cusub.

1) Ma jirtaa sabab loo qaato go’aanka?

Karen ayaa tilmaameysa in qofka u baahan yahay in uu caddeeyo sababta ku riixaysa go’aanka. Tani waxay qofka siineysaa dhiira gelin isaga oo sameynaya naf-hurnimo.

2) Ma yahay qorshe maan-gal ah?

Qorshaha cusub ee aad dooneyso in aad xaqiijiso sannadka cusub waa in uu noqdaa mid maan-gal ah oo la xaqiijin karo. Wakhti ayaa kaaga lumaya qorshe aan qeexneyn islamarkaana adag tahay in laga rumeeyo. Halbeegga laga fiiriyo qorshe kasta waa in uu yahay mid qeexan, la cabbiro karo, la xaqiijin karo islamarkaana wakhti ku xaddidan ( SMART)

3) Ma yahay qorshe soo jiidasho leh?

Marka go’aanada wanaagsan yihiin, waxaa mararka qaar adag in laga dhabbeeyo laakiin waa in aad garowsataa in billowga qorshe kasta yahay halka ugu adag.

4) Maxaa dhacaya haddii aadan ku guuleysan?

Qofka ayaa la kulmi kara guuldarro xilli kasta, balse waxaa habboon in uusan isdhiibin. Ku dhaqaaq qorshe cusub oo aad siiso fursad ka go’naansho ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan