Home / Dibadda / Sudan oo u muuqata inay cagta saartay wadadii Soomaaliya ay ku jabtay 30 sano ka hor

Sudan oo u muuqata inay cagta saartay wadadii Soomaaliya ay ku jabtay 30 sano ka hor

Himilo – In ka badan 13,000 oo qof ayaa ku dhintay 26,000 oo kalena way ku dhaawacmeen colaadda ka socota Suudaan tan iyo sannadkii hore, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Suudaan waxaa hareeyay dagaal u dhexeeya ciidamada, oo uu hoggaaminayo Abdel Fattah al Burhan, madaxa golaha sare ee talada dalka, iyo kooxda gurmadka degdegga ah (RSF) tan iyo Abriil 2023.

“Qiyaastii 7.6 milyan oo qof ayaa ku barokacay gudaha iyo dibadda Suudaan tan iyo markii ay dagaalladu ka bilowdeen,” ayuu yiri Xafiiska Isku-xirka Arrimaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay.

Sida laga soo xigtay xafiiska, in ka badan 9,700 oo xaaladood oo looga shakisan yahay daacuunka, oo ay ku jiraan 269 dhimasho ah, ayaa laga soo sheegay Suudaan ilaa Janaayo 16.

Dhowr heshiis oo xabbad joojin ah oo ay garwadeen ka ahaayeen dhexdhexaadiyeyaasha Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa ku guuldareystay inay soo afjaraan rabshadaha ka socda waddanka Suudaan.

Sida muuqada dalka Sudan ayaa cagta saaray wadadii soomaaliya ay ku jabtay sadon iyo dhowr sano ka hor kadib markii jabhado hubeysan ay ku kaceen dowladii rayidka ee dalka mudada know iyo labaadan-ka sano ka talineyse.

Dalalka gobolka ayaa u muuqda inay sii horinayaan dagaalka dalkaa kajira, dhawaan ayay aheyd markii hogaanka militariga ee dalka hogaamiyo uu ku dhawaaqay in uu hajiye wadashaqeyntii kala dhaxeyse urur goboleedka IGAD kadib markii ay shirkoodii ugu dambey ee ka dhaca Uganda ay ku casuumeen ninka mucaaradka hogaamiya.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan