Home / Habka-Nolosha / Sutton oo aan hubin haddii Conte uu kalsooni ku qabi karo Batshuayi iyo in kale!

Sutton oo aan hubin haddii Conte uu kalsooni ku qabi karo Batshuayi iyo in kale!

Muqdisho – Chris Sutton ayaa ugu yeeray macalin Antonio Conte inuu adeegsado Michy Batshuayi in badan maadaama Diego Costa uu si weyn ugu muuqdo mid kasii dhamaanaya naadiga Chelsea.

Costa ayaa ah gool-dhaliyaha ugu goolal badan kooxda, waxaase adduun lacageed badan ku dooneysa kooxda Tianjin Quanjian taas oo bishii January ku guul-darraysatay soo xera-galintiisa. Walina waxay ku taagan tahay dadaallada ay ugu danbeyn ku heli karto xiddigan reer Spain.

Batshuayi ayaa kaaaliye muhiim ah u noqday Costa xagaaga oo dhan. Si kastaba, 23-jirkan ayaan waqti fudud dhawaanahan ku qaadan gegida Chelsea. Weeraryahankii hore ee kooxda oo lagu magacaabo Sutton-na wuxuu rabaa inuu fursad fiican la siiyo xiddigan.

“Waxaan aad ula dhacay qaab-ciyaareedka Batshuayi, balse ma u malaynayo in macalin Conte uu kalsooni buuxda ku qabi karo da’yarkan,” ayuu yiri Sutton.

“Waxaan filayaa inay ku socdaan iibsiga weeraryahan sarreeya, maadaama ay tartamo adag ku foolan yihiin xagaaga soo aadan.”

“Waxayna ila tahay in jab weyn ay naadiga ku noqon doonto luminta Costa. Waxaana la yaabanahay haddii Conte uu heli karo fursado banaan uu kaga dhaadhiciyo xiddigan inuu ka nagaado.”

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan