Home / Habka-Nolosha / Swansea 0 Man United 4: Wiilasha Mourinho oo mar kale guul weyn gaaray.

Swansea 0 Man United 4: Wiilasha Mourinho oo mar kale guul weyn gaaray.

Muqdisho – Manchester United ayaa mar labaad oo xariir ah ku badisay 4-0, waana bilaabashadii ugu fiicneyd 110 sano.

Liberty Stadium ayay kaga soo adkaatay kooxda Swansea City ciyaar ay goolasha kala qeybsadeen Eric Bailly, Romelu Lukaku, Paul Pogba iyo Anthony Martial.

Ciyaaryahanka madow ee Eric Bailly ayaa United u bilaabay goolasha qeybtii hore ee ciyaarta.

10-kii daqiiqo ee ugu danbeysay kulanka ayey natiijada ciyaartu noqotay mid la ceyn ah tii furitaanka markii goolal darandooris ah ay ka kala yimaadeen Romelu Lukaku, Paul Pogba iyo Anthony Martial.

Man Utd ayaa heshay guul 4-0 ah kulankii furitaanka markii ay wajahday kooxda West Ham United toddobaadkii hore, sadexdii ciyaaryahan ee kulankaas goolasha kala dhalisay ayaana mar kale dhamaantood shabaqa soo wada taabtay waxaa u dheeraa laacibka jooga dheer ee Eric Bailly.

Sigurdsson – oo kooxda Swansea u dhaliyay 9 gool 13 kalana caawiye ka ahaa ayaa ka maqnaa kooxda ku ciyaarta Liberty Stadium, wuxuuna laacibkan ugu dhaqaaqay Arbacadii naadiga Everton lacag gaareysa £45million.

Jordan Ayew ayaa ahaa laacibka ugu muhiimsan kulankan marka loo eego kooxda martida loo ahaa ee Swansea City.

United 26 August ayay Leicester ku soo dhaweyn doontaa Old Trafford Premier League.

Xaqiiqoyinki laga bartay kulankan.

Eric Bailly ayaa dhaliyay goolkiisi ugu horreeyay ee horyaal ah, 67 kulan ayuuna saftay horyaallada  (La Liga iyoPremier League).

Manchester United ayaa dhalisay afar gool iyo wax ka badan labo kulan oo furitaanka horyaalka ah markeedi koobaad 110 sano.

Swans ayaa sameysay kaliya hal shot on target 180 daqiiqo oo Premier League ay ciyaartay xagaagan.

Kani  waa marki labaad ee kooxdu ay ku guuleysato 4-0 labo kulan oo furitaanka ah, sidaas oo kale kooxda Chelsea ayaa sameysay 2010-11.

Eric Bailly ayaa hadda noqday ciyaaryahanki sadexaad ee African ah ee Manchester United u dhaliya gool Premier League, Quinton Fortune iyo Mame Biram Diouf ayaa ka horreeyay isaga.

Paul Pogba ayaa dhaliyay goolal saddex soo muuqasho oo xariir ah horyaal markiisii labaad, wuxuuna sidaan oo kale sameeyay isaga oo jooga kooxda Juventus  sanadkii 2015.

Saddexdii gool ee ciyaarta ay kusoo xiraya Manchester United waxaa u dhexeeyay kaliya sadex daqiiqo iyo 41 second.

78 second oo kaliya ayaa sidaas oo kale u dhexeysay goolasha  Romelu Lukaku & Paul Pogba ee ciyaartan.

Romelu Lukaku waa ciyaaryahankii shanaad ee labadiisa kulan ee ugu horreeya gool u dhaliya Man Utd kadib Ibrahimovic, Martial, Macheda iyo Saha.

Manchester United waa kooxda ugu badan ee shabaqa ilaashatay sanadka 2017 waxayna  ka badan tahay koox waliba oo Premier League ciyaarta, 13 kulan oo aan gool laga dhalin ayay United ka baxday Garoonka muddadaas.

Anthony Martial ayaa ku lug lahaaday saddex gool labadiisii kulan ee ugu danbeysay Premier League (labo gool iyo hal caawinaad), wuxuuna ka badan yahan 11-kii kulan ee ka horreysay horyaalka, labadii kulan ee ugu danbeysay waxa uu kasoo kacay kursiga keydka.

Henrikh Mkhitaryan ayaa caawiye ka ahaa kaliya hal gool Premier League 24 kulan oo uu u ciyaaray sanadkii hore Manchester United, laakiin labadii kulan ee furitaanka sanadkan waxa uu caawiye ka noqday 4 gool.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan