Muwaadiniinta dalka Swizarland ayaa mar kale waxa ay noqdeen dadka ugu lacagta badan adduunka sida Machadka Credit Suisse uu tilmaamay .
Waxa ay ka dhigan tahay in Swizarland ay ceshatay mar kale kaalintan oo aan cidna ugu imaan muddo 16sano ah.
Qofkiiba Swizarland waxaa lagu xusay warbaxinta in ay ku soo aadayso lacag celceliskeedu yahay 561900 oo doolar iyadoo ay korortay hantida muwaadiniinta dalkaasi kadib markii uu kor u kacay sicirka hantida maguurtada.
Warbaxinta Machadka Credit Suisse ee baaritaanada sameysa waxaa lagu xusay sidoo kale kaalmaha kale ee dalalka caalamka ay kala galeen .
Kaalinta labaad waxaa soo fariistay oo Swizarland ku soo xigsaday Mareykanka oo dadkiisa qofkiiba la tilmaamay in ay ku soo aadayso lacag dhan 344700 doolar.
Waxaa kaloo intaa lagu daray in dadka maalqabeenada dunida ay kordheen, imika waxaa dunida laga helaa 140900 oo qof oo lacagtoodu ay dhaafsiisan tahay qofkiiba 50 milyan oo doolar.