Home / Habka-Nolosha / Taageerayaasha Arsenal: In nagu filan, faraqaan ku heysannaa. Naga dhamow”

Taageerayaasha Arsenal: In nagu filan, faraqaan ku heysannaa. Naga dhamow”

Muqdisho – Albert Einstein, ayaa yiri; “Qafal-mardaxnimadu waa ku celcelinta sameynta hal shey mar iyo marar adiga oo filanaya natiijooyin kala duwan. Daawashada hal qaab-ciyaareed mar iyo marar waxay iyaduna noqon kartaa waalli-dhaqmaysa.

Taas waxay kuusoo baxaysaa marka aad weydiiso taageere Arsenal ah kaas oo qaba in macalin Arsen Wenger uu badalo falsafaddiisa qaab-ciyaareed ama uu iska tiro xilka naadiga.

Sida laga arkay boor ay ku qorneyd “Nagu filan – waa dhamaaday waqtigaada” ciyaartii ay kooxdu guul-darro kala soo kulantay Chelsea, taageerayaasha Arsenal ayaa qaba in la joogo waqtigii Wenger uu ka dhamaan lahaa naadiga.

Wenger oo saddax jeer ku guuleystay horyaalka England PL iyo dhowr koob oo FA Cup-ka ah, wuxuu naadiga leylinayay taniyo sanadkii 1996.

Nasiib-wanaag, Goal ayaa aaminsan in badalka ugu mudan booska Wenger uu yahay macalinka kooxda Juventus, Massimiliano Allegri, oo 49 jir ah.

Bandhigyada wanaagsan ee macalin Allegri ka sameeyey horyaalka Italian Seri A, Arsenal waxay rumeysan tahay in taageerayaasha qadyaanka ka jooga macalinnimada Wenger ay kaga bogsan karaan diifta ka heysa niyad-jabka kooxda kusoo fatahaya.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan