Muqdisho – Taallada laacibka kooxda Barcelona, Lionell Messi oo ku taalla magaalada madaxda dalka Argentine ee Buenos Aires ayaa mar labaad la jebiyay sanad gudihiis.
Waxay u muuqataa in lugaha taallada laacibkan la jabiyay iyada oo inta kale ee taalladana loo dhaafay siday ahayd. Bishii January ee sanadkan, taalladan ayaa sidaan kale loo jebiyay.
Taalada ayaa qeyb ka ah dhowr taallooyin oo loo sameeyey laacibiinta qaranka Argentine haldoorka u ah sida Maradona. Qofna ilaa hadda looma soo qaban falkan.
Messi ayaa xulkiisa usoo saaray koobka adduunka ee sanadka 2018 ka dhici doona dalka Ruushka xilli rajada ay ka qabeen ay ahayd mid hooseysa.