Home / Cayaaro / Taariikh: laacibkii Horseed iyo qaranka Soomaaliya Maxamuud Killer

Taariikh: laacibkii Horseed iyo qaranka Soomaaliya Maxamuud Killer

Himilo FM – Maxamuud Cali Xasan oo ku magac dheer Killer waxa uu ku dhashay magaalada Cadan ee dalka Yeman sannadkii 1955-kii, Killer ayaa waxbarashada ka gaaray illaa heerka dugsiga sare isaga oo wax ku bartay magaalada Cadan ee dalka Yeman sanaddii 1967-dii, kaddib waxa  uu u soo wareegay Muqdisho sannadkii 1968-kii.

Maxamuud waxa uu kubadda cagta kusoo galay heer carruurnimo sida ciyaaraha bacaadka ee xaafadaha lagu ciyaaro isaga oo ka qeyb galay tartamo loo qabtay ardayda heerarka kala duwan ee iskuulada wax ka barta dalka Yeman.

Sannadkii 1968-kii ayuu kusoo biiray kubadda cagta Soomaaliya isaga oo markaasi ka yimid dalka Yeman, wuxuuna kamid noqday kooxda Booliska oo markii danbe loo bixiyay Fc Horseed.

Dhammaadkii 1968-kii ayuu kamid noqday xulka qaranka Soomaaliya, wuxuuna xiddigan kulankiisii ugu horreeyay kusoo ciyaaray Kenya, waxaana xilligaasi macallin u ahaa tababare Cumar Canjeeste. Killer waxa uu ahaa laacib ku wanaagsan booska khadka dhexe oo uu kusoo baxay ciyaaryahan cajiib ah oo ay dadweynuhu jecleysteen, waxaana lagu tiriyaa xiddigaha naadirka ah ee soo maray kubadda cagta Soomaaliya ee ka ciyaaray booska dhexe.

Ciyaarihii ugu xumaa ee uu la kulmay Killer waxaa qeyb ka ah kulan ay dalka Masar kula ciyaareen naadiga Ismaaciiliya ee ka dhisan Masar isaga oo kulankaasi markiisii ugu horreysay garoonka laga saaray, waxaana ciyaartaasi looga adkaaday 4-0 sannadkii 1975-76-kii.

Maxamuud intii uu xulka qaranka Soomaaliya ka tirsanaa waxa uu kasoo ciyaaray dhowr dal sida Russia, Kuweyd, Masar, Yeman, Zambia, Liibiya, Ciraaq iyo dalalka kale ee Bariga qaaradda Afrika oo uu kasoo ciyaaray kulamo badan. Killer ayaa xulka qaranka Soomaaliya ka fariistay sannadkii 1979-kii, halka kooxda Horseed uu gabagabeeyay 1981/82-kii.

Kahor dowladdii Kacaanka waxa uu kasoo shaqeeyay xarunta socdaalka iyo jinsiyadaha oo markaasi hoos imaan jirtay booliiska, waxa uu sidoo kale tababar waxbarasho oo taraafik ah u tagay dalka Masar kahor intii aysan dhicin dowladdii dhexe ee dalka waxa uu ahaa shaqaale katirsan ciidanka taraafikada.

W/Q: Maxamed Xasan Maxamed “ Owen”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan