Home / Arrimaha Bulshada / Taariikh nololeedkii Axmed Siilaanyo oo Hagreysa ku geeriyooday

Taariikh nololeedkii Axmed Siilaanyo oo Hagreysa ku geeriyooday

Himilo-Waxaa xalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo), oo ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland.

Allaha u raxmadee Axmed Siilaanyo, wuxuu ka mid ahaa ruug cadaayadii siyaasadda Soomaaliya iyo Somailand nus c qarni ka badan isagoo door shariifa ku lahaa nidaamyaddii maamul ee dowladdii Soomaaliya lixdameeyadii. Wuxuu kale oo ka mid ahaa bud-dhigayaashii Somaliland oo la asaasay sanadkii 1991-dii.

Geerida Marxuunka waxaa warbaahinta u xaqiijiyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo tacsi u diray qoyska, ehellada iyo shacabka Somaliland.

Axmed Maxamed Maxamuud oo ku magac dheeree Siilaanyo, wuxuu ku dhashay magaalada Burco, ee gobolka Togdheer, sannadkii 1938-kii.

Aabbihiis wuxuu ahaa ganacsade dabaqada dhexe. Qoyskiisa dhexdooda, wuxuu Siilaanyo ahaa ninka keliya, ee nasiib u helay waxbarasho rasmi ah. Wuxuu markii hore ka baxay dugsiyada Cammuud iyo Sheekh.

Sannadkii 1958-kii ayuu waxbarasho u aaday dalka Ingiriiska, wuxuuna sannadihii 1958–1960 uu GCSE ka sameeyey Jaamacadda London. Kaddib, wuxuu galay Jaamacadda Manchester, halkaas oo uu ka bartay cilmiga dhaqaalaha.

Sannadkii 1965-kii ayuu Siilaanyo dib ugu soo noqday Soomaaliya, waxaana loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, xilkaas oo uu hayey illaa 1969-kii,

Markii xukunka dalka ay la wareegeen taliskii militarigu , Axmed Siilaanyo, waxaa loo magaacabay xoghayaha wasaaradda Qorsheynta Qaranka, kaddib-na Wasiirka Ganacsiga, markii dambe-na wuxuu noqday Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

Sannadkii 1982-kii ayuu ka fakaday taliska militariga, kaddib markii uu Hoggaamiyihii Taliska Militariga, Maxamed Siyaad Barre, uu magacaabay la-taliye wasaaraddii uu isagu soo dhisay ee Qorsheynta. Waxay isku mar wada fakadeen Cali Khaliif Galayr, oo isna la-taliye looga magacaabay wasaaraddii uu wasiirka markaas ka ahaa ee Warshadaha.

Laba sano kaddib, 1984-kii, wuxuu Siilaanyo ku biiray Jabhaddii SNM, isla sannadkaas ayaana loo doortay Guddoomiyaha Jabhadda, iyadoo uu ku-xigeen u yahay Cali Maxamed Cosoble (Cali Wardhiigley).

Mar kale ayaa Guddoomiyaha Jabhadda SNM loo doortay Siilaanyo sannadkii 1987-kii, waxayse is-khilaafeen Cali Wardhiigley, oo isaga baxay Jabhadda SNM. (Laba sano kaddib, sannadkii 1989-kii, ayuu Cali Wardhiigley, wax ka aasaasay Jabhaddii USC, isagoo noqday Guddoomiyaheedii u horreeyey). Kaddib qas iyo qalalaase hoggaamineed,oo hareereyey hoggaanka Jabhadda SNM, waxaa 1990-kii Guddoomiyaha SNM loo doortay Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur), oo fakaday isagoo ahaa Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta.

4-tii bishii February, sannadkii 1991-kii, wax ka yar hal usbuuc markii Maxamed Siyaad Barre,ka baxay Muqdisho, wuxuu Siilaanyo qoray warqad taariikhi ah (Situational Paper), taas oo uu ku muujisay inuu yahay mufakar waddani ah, oo daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisa, warqaddaas oo uu ku doonayey inuu ummaddiisa Soomaaliyeed kaga badbaadiyo burbur baaxad weyn, oo laga baaqsan karay. Wuxuu soo jeediyey fekrad markaas cusbeyd oo ahayd – in maadaama uu gebi-ahaanba burburay xukunkii dalka ay gobollada waqooyi iyo kuwa koonfureed wada-galaan nidaam dowladeed, oo ku dhisan (regional autonomy), oo midba uu gaarkiisa isku xukumayo, hase yeeshee ay ka wada dhexeynayso dowlad dhexe.

Axmed siilaanyo, wuxuu xubin ka noqday baarlamaanka Somaliland 1993kii ilaa 1997kii. 1997kii ilaa sannaddii 2000 dawladdii Somaliland ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, wuxuu Axmed Siilaanyo ka soo qabtay jagooyinka wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo wasiirka wasaaradda Qorsheynta, isagoo markii danbe iskii isu casilay.

Muddo sagaal sano ah, wuxuu Siilaanyo mucaarad ku ahaa maamulkii Cigaal (2001-2002) iyo maamulkii Daahir Rayaale (2002-2010). Muddadii uu mucaaradka ahaa, ma ahayn Siilaanyihii horey loo yiqiinnay, ee afka gaabnaa; wuxuu ahaa nin si weyn u mucaarada maamuladii uu ka soo horjeeday.

Sannadkii 2002, wuxuu ku dhawaaqay Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE oo uu guddoomiyena ka noqday.

Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee April 2003, tartankii Madaxweynaha waxaa Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisii Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax lagaga helay 80 Cod, taasoo ay aqbaleen.

Doorashadii ka dambeysay, ee 2010, ayuu kaga adkaaday Daahir Riyaale. Laba sano gudahood, sannadkii 2012, wuxuu Siilaanyo ahaa ninkii billaabay wada-hadalka dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, arrintaas oo ahayd mid ay ku dhiirran waayeen Cigaal iyo Riyaale. Muddo toddoba sannadood ah ayuu Siilaanyo madaxweyne ka ahaa Somaliland.

Sannadkii 2017 ayuu Siilaanyo xilka ka degay, kaddib markii uu hubiyey in musharrixii uu watay, oo ahaa Muuse Biixi Cabdi, oo ay iskala tirsanaayeen xisbigiisa Kulmiye, inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada.

 

Ish: BBC-Soomaali iyo VOA-Soomaali

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan