Home / Arrimaha Bulshada / Taariikh nololeedka Wariyihii weynaa Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Siraad

Taariikh nololeedka Wariyihii weynaa Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Siraad

Alle ha u naxariisto waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ahaa wariyihii ugu waqtiga dheer ee ka soo shaqeeya BBC laanta Afka Soomaaliga. Wariye Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Siraad ayaa ahaa saxafi rugcaddaa ah oo in ka badan 50 sano ku soo dhex jirey warbaahinta Soomaalida iyo midda caalamkaba.

Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Siraad wuxuu sanadkii 1947-kii ku dhashay magaalada Sheekh, wuxuuna waxbarashadiisa aas-aasigaa iyo midda dugsiga sareba ku qaatay magaalada Hargeysa ee caasimadda u ah Soomaaliland.

Sanadkii 1969-kii ayuu waxbarasho jaamacadeed u tagey dalka Ingiriiska, asagoo bartay cilmiga chemistry-ga, muddo yar ka dibna wuxuu shaqo ka helay laanta Af-soomaaliga ee BBC-da oo xilligaas ahayd warbaahinta keliya ee ay Soomaalidu dhagaysan jirtay, markii laga reebo Radio muqdisho iyo Radio Hargeysa oo afka dowladda ku hadli jirey.

Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Siraad wuxuu kamid ahaa wariyaashii ugu codka wanaagsanaa shaqaalaha BBC-da , ayadoo lagu jeclaa war akhrintiisa deggan iyo erayada xulka ah ee uu xogaha ku gudbin jirey.

Cabdirasaaq wuxuu laanta Af-soomaaliga ee BBC-da ka tagey sanadkii 2019, wuxuuna xilligaas wixii ka dambeeyay u dhexeeyay magaalooyinka London, Sheekh, iyo Hargeysa oo uu maanta ku geeriyooday.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan