Home / Arrimaha Bulshada / Taariikh nololeedkii Prof Maxamed sheikh Cismaan Jawaari oo kooban

Taariikh nololeedkii Prof Maxamed sheikh Cismaan Jawaari oo kooban

Himilo – Allaha u naxariistee waxa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Prof Maxamed Cismaan Jawaari. Sida ay eheladiisu sheegeen xanuun hayey oo uu u geeriyooday majirin. Isagoo gurigiisa jooga ayay tii alle ugu timid.

Prof, Jawaari ayaa door weyn ku lahaa dibu dhiska Soomaaliya, wuxuu kamid ahaa dadkii waqtiga dheer ku soo jiray dowladnimada Soomaaliya.

Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari wuxuu 7-da bishii December ee sanadkii 1945tii ku dhashay degmada Afgoye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Dhinaca tacliinta sare, waxa uu sanadku markuu ahaa 1982 ka qallan jebiyey kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xilligaas ka horna qaatay shahaado macallinimo oo luqadda Ingiriiska iyo dimploma sharciga Islaamka ah.

Shaqooyinkii uu soo qabtay

Waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii militariga ee Somalia, isaga oo agaasime guud, xoghaye joogto ah iyo wasiirba ka soo noqday wasaarado dhowr ah. Wuxuu soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Dhulka iyo Cirka, waliba Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Dhinaca kale, wuxuu sanadkii 1970-kii guddoomiye kasoo noqday koox diyaarisay Sharciga Shaqada ee dalka Somalia, sharcigan oo looga gol lahaa dib u habaynta meelaynta shaqaalaha iyo qiimeynta xirfadleyda. Guddigani waxa uu xeerka sharciga shaqaalaha Somalia waafajiyey xuquuqda shaqaalaha ee caalamiga ah.

Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari waxa kale oo shaqooyin dhinaca arrimaha bulshada ah ka qabtay dalka Norway oo uu ku noolaa intii burburka dalka Somalia uu jiray.

Dhinaca dastuur u sameynta Somalia, wuxuu bishii May ee sanadkii 2008-dii ilaa iyo bishii December ee sanadkii 2010-kii la taliye dhinaca dastuur sameynta u ahaa Xafiiska Siyaasadda QM ee Arrimaha Somalia iyo waliba hay’adda UNDP. Waxa uu intaas kaddib noqday guddoomiyaha guddiga khubarada Dasturka oo dib u eegis ku sameynayey qabyo qoraalka Dastuurka iyo diyaarinta Dastuurka si loo ansixiyo.

Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu ku hadlayay ka hor geeridiisa luqadaha Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska, Talyaaniga iyo luqadda Norwiijiga.

Wuxuu godoomiye Barlamaan ka noqday Baarlamaankii ugu horreeye ee rasmi ah kaddib baarlamaano si KMG ah dalka uga usoo shaqeynayey, laga soo bilaabo ilaa sanadkii 2000 oo ahayd markii DKMG ahayd ee ugu horeysay Somalia loogu dhisay magaalada Carta ee dalk Djibouti.  Prof Jawaari wuxuu geeriyooday 28 June 2024-ka ‘maalin Jimco ah

 

Waxa diyaariyay: Ali Abdulle Hillowle

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan