Home / Cayaaro / Taariikhda: Garsooraha heerka caalami ee Suleymaan Sh Bashiir

Taariikhda: Garsooraha heerka caalami ee Suleymaan Sh Bashiir

Himilo FM – Suleymaan Bashiir Cabdi waxa uu ku dhashay dagmada Shibis ee gobalka Banaadir sannadkii 1988-dii, waxa uu dugsiga Qur’aanka ku dhameeyay isla dagmadaasi. Markii uu dhameystay dugsiga waxa uu ku biiray dusgiga Mujamac isaga oo halkaasi ku dhameeyay heerarka hoose, dhexe iyo midka sare.

Bashiir waxa uu hakiyay waxbarashada maadiga in muddo ah balse dib ayuu ugu soo laabtay isaga oo ku biiray ardayda jaamacadda Capital oo uu hadda ka barto culuumta dhaqaalaha.

Sannadkii 2008 ayay aheyd markii ugu horreysay oo uu ku soo biiray mihnadda ciyaaraha waxa uu ka mid noqday kooxda Heegan qeybta ciyaaraha fudud ee orodada 100-200 mitir,waxaa soo gacan qabtay macallimuu Axmed Cali Cawke, sanaddii 2012-kii waxa uu kooxda kula guuleystay hal koob, waxa uu naadiga ka tegay sanaddii 2013-kii oo uu gabi ahaanba joojiyay ciyaarahaasi.

Suleymaan  waxa uu garsoorka ku soo biiray 2010-kii  isaga oo xilligaasi ka bilaabay in uu dhexdhexaadiyo garoomada bacaadka gaar ahaan Jabuuti iyo Siimanka ee dagmada Wadajir, waxaana ku taageeray sii wadidda xirfadan Cali Shiino iyo Cismaan Jaamac.

Intii u dhaxeysay 2011-12,  waxa uu kamid ahaa garsoorayasha heerka labaad ee dalka isaga oo si rasmi ah ugu soo biiray heerka koowad sannadkii 2012-kii. Bishii Janaayo Sanaddii 2013-kii ayay aheyd markii ugu horreysay ee loo aqoonsado calan haye heer caalami ah isaga oo shahaado ka helay hay’adda kubadda cagta adduunka ee FIFA, waxa uuna shan shahaado oo ah kuwa MA Course ka helay hay’adaasi.

Wixii intaasi ka danbeeyay waxa uu si joogto ah ugu qeyb galayay safarada dibadda gaar ahaan ciyaaraha Cecafa mid qaran iyo koox iyo tartanka xiisaha badan ee Caf oo ay ciyaaraaan dalalka ugu tunka weyn qaaradda madow ee Africa.

Waxa uu kulamadiisii ugu horreeyay  dhex dhexadiyey Cecafa Kagame Cup oo ay ciyaaraan kooxaha bariga iyo bartmaha Africa, intii uu ku guda jiray garsooridda kulamadan, waxa ay gaarayeen in ku dhaw 10 kulan, waxaana xusid mudan in kulankii ugu xiisaha badnaa uu ahaa ciyaar final oo dhex martay Vita Club iyo APR kulan ciyaareed ka dhacay dalka Suudaan.

Suleymaan waxa uu sidoo kale garsoore ka noqday ciyaaro badan oo ah kuwa bariga iyo bartmaha Africa ee xagga qaramada Cecafa Challenge Cup isaga oo dhex dhexaadiyay kulamo gaaraya illaa siddeed kulan, waxaana ugu muhiimsanaa kulan afar dhammaad ahaa.

Sanaddii 2014-kii ayay aheyd markii ugu horreysay oo uu dhex dhexadiyo kulan katirsan Caf ee qaramada, waxa uuna garsooray kulan ciyaareed dhexmaray kooxaha Azam iyo Al-Mariiqa dheel ay 2-1 ku adkaatay Azam, sidoo kale waxaa kamid ahaa ciyaar dhex martay qaramada Mauritania iyo  Botswana, waxaana 2-1 ku badisay Mauritania. Suleymaan ayaa sidoo kale garsooray kulamada kooxaha ee Caf.

Maxamed Xasan Maxamed “Owen”

Mohassan484@gmail.com

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan