Himilo – Axmed Xaaji Cilmi Guure waxa uu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, sanadkii 1956. Noloshiisii hore waxaa uu kusoo qaatay magaalada Beledweyne. Marxuumku waxa uu waxbarashadiisa badi kusoo qaatay magaalada Muqdisho. Intii uu ku jiray waxbarashadiisa, Axmed Xaaji Cilmi Guure waxaa lagu soo tababaray duuliye diyaaradeed xarunta caanka ah ee Lufthansa Aviation Training Centre oo ku taal magaalada Bremen ee dalka Jarmalka. Markii uu dalka dib ugu laabtay wuxuu ka howlgalay shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airlines.
Geesinimadiisa iyo degenaanshihiisa waxaa la tijaabiyay 1991-kii markii diyaarad uu ka raacay Muqdisho kuna socotay Jabuuti lagu afduubtay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya, taasoo uu si nabad galyada ah uga soo dajiyay diyaaradaas garoonka diyaaradaha ee Luuq, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray rakaabkii saarnaa. Waxayna daliil u ahayd xirfadiisa iyo deganaanshiyihiisa.
Dagaalkii sokeeye ee dalka, Axmed iyo qoyskiisii waxay u guureen dalka Canada 1992, halkaas oo uu kasii bilaabay waxbarashadiisa cilmiga kombuyuutarka ee kuliyada Algonquin ee Ottawa, isaga oo aakhirkii boos ka helay shabakadaha Nortel, wakhtigaas oo ah meesha ugu saraysa ee warshadaha isgaadhsiinta ee Canada.
1999kii, ayuu aas aasay shakabada Hiiraan Online, taasoo uu dhidibada ugu taagay Ottowa, July 1, 1999. Waxay ahayd tallaabo sax ah oo waqtigeedii kusoo aadday, waxayna holbowle u noqotay Madal lagu soo bandhigayay shirkii Nabadda Soomaaliya ee 2000 ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Waxayna Hiiraan Online astaan u noqotay bilawga doorkeeda tiir-dhexaadka ah ee saxaafadda Soomaaliyeed.
Isha: Hiiraan Online