Home / Cayaaro / Tababaraha Real Madrid oo jacayl u qaba Mbappe

Tababaraha Real Madrid oo jacayl u qaba Mbappe

Himilo- Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa qirtay inuu aad u jecel yahay Kylian Mbappe iyadoo ay jiraan warar xan ah oo sheegaya in weeraryahanka Paris Saint-Germain uu u dhaqaaqayo Bernabeu xagaaga soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in Mbappe uu ka fiirsan doono inuu ka tago Parc des Princes hadii kooxda Thomas Tuchel ay mar kale ku dhacdo Champions League xilli ciyaareedkan.

Zidane ayaa horay u dhaleeceeyay maamulka PSG isagoo soo jeediyay inay riyo u noqon laheyd in Mbappe uu ku biiro Los Blancos.

Isaga oo ka hadlayey shirka jaraa’id ka hor kulanka Real ay la ciyaareyso kooxda PSG ee Champions League, ayuu Zidane u sheegay ESPN: “Waan aqaanay muddo dheer. Waan jeclaa isaga muddo dheer, laakiin shaqsi ahaan marka hore.

“Wuxuu halkan u yimid tijaabo waqti dheer ka hor. Berri wuxuu halkan u imaanayaa sidii isagoo kasoo horjeeda .”

“Waxa aniga  ii muhim ah ayaa ah inaan sameyno. Waan ognahay ciyaaryahan inuu yahay iyo muhiimada ay u leedahay kooxdiisa. Waa inaan diyaar u nahay.

PSG ayaa si adag uga shaqeyneyso inay u diyaariso qandaraas cusub Mbappe si ay uga horjoogsato xiisaha kooxda ka dhisan La Liga.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan