Home / Habka-Nolosha / Tallooyin ku saabsan Ramadaanka iyo kuleelka darran

Tallooyin ku saabsan Ramadaanka iyo kuleelka darran

Himilo – Waxaa laga yaabaa in aad ku nooshahay deegaan cimilo-kulul iyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan adiga oo dareemi kara harraad darran. Haddaba waxaan halkan kugu soo gudbineynaa tallooyin ku saabsan Ramadaanka iyo kuleelka.

1) Ku dadaal inaad ka fogaato in qorraxda si toos ah kuugu dhacdo gaar ahaan xilliga duhurnimada.  Kuleelka qorraxda oo ku haleela, waxa uu kugu reebi karaa harraad darran.

2) Way habboon tahay haddii aad xerato dhar leh midabyo furan oo iska caabin kara qorraxda sida dharka ka sameysan suufka.

3) La noolow biyaha iyo cabitaanka inta u dhaxaysa afurka iyo suxuurta. Tani waxay kaa saacidi kartaa in uu hoos u dhaco kuleelka jirkaaga islamarkaana dareento qabow iyada oo jirka uu soo deynayo dhidid badan.

4) Ku dadaal inaad ka fogaan karto cuntada dufanta leh waayo marka la marsiinayo hannaanka dheefshiidka waxay u baahan yihiin biyo badan.

5) Ka fogow cayaaraha nuuc kasta maalintii oo dhan. Waxay tani keeni kartaa in jirkaaga uu waayo biyo iyo macdan badan.

6) Way kuu furan tahay inaad badsato qubeyska si aadan daal iyo harraad badan u dareemin xilliga kuleelka bisha Ramadaan.

7) Tallooyinka Ramadaanka waxaa kamid ah in qofka uu iska yareeyo macmacaanka kahor suxuurta islamarkaana uu badsado khudaarta iyo miraha.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan