Himilo- Bankiga bpm ee ku yaalla magaalada Marradi ee dalka Talyaaniga ayaa la kulmay fal dhac ah oo ay geysteen koox ka kooban seddex qofood.
Sida ay qortay warbaahinta Talyaaniga, kooxda ayaa soo minguurisay musalsalka La Casa de Papel iyaga oo qaatay khasnadda bankiga oo ay ku jirtay lacag dhan 70 kun oo Euro.
Kooxda ayaa baxsatay dhaca kaddib balse arrinta layaabka leh ayaa ah inay farriin wanaagsan kaga tageen shaqaalaha bankiga.
Markii loo furay khasnadda islamarkaana la wareegeen dhammaan taleefanada shaqaalaha ayay farriin cudur daar ah uga tageen goobjoogayaasha. Waxay u sheegeen inay ka xun yihiin falka dhacay oo ay wanaag badan u rajeynayaan.
Booliiska ayaa immika sameynaya baaritaan ku saabsan falka dhacay iyada oo la kaashanayo kaamirooyinka qarsoon ee CCTV.
Musalsalka ku guuleystay billadaha badan ee Spain, La Casa de Papel, ayaa saameyn ku yeeshay malaayiin qofood.