Home / Cayaaro / Tammy Abraham oo heshiis cusub ka doonaya Chelsea

Tammy Abraham oo heshiis cusub ka doonaya Chelsea

Himilo – Weeraryahanka Chelsea Tammy Abraham ayaa la soo warinayaa in uu kooxdiisa u sheegay in uu doonayo qandaraas cusub oo dhigaya mushaar dhan £130,000 toddobaadkii.

22 jirka ayaa ku qaatay garoonka Stamford Bridge xilli cayaareed wanaagsan isaga oo dhaliyay 15 gool 39 kulan isaga kamid noqday dooqa Frank Lambard.

Chelsea ayaa wadahadallo kula jirta Abraham laakiin laacibka ayaa daneynaya heshiis cusub kahor inta uusan go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa.

Kooxda Chelsea ayaa goor sii horreysay heshiisyo la gaartay Timo Werner iyo Hakim Ziyech iyada oo la fahamsan yahay in Werner uu saxiixay heshiis uu ku qaadanayon £170,000 toddobaadkii.

Qandaraaska cayaaryahanka qaranka England ee Chelsea ayaa dhacaya 2022.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan