Home / Habka-Nolosha / Tartan Cayaareed Caawa Dhex Mari Doona Kooxaha Ku Tartamaya Koobka EFL Cup-ka.

Tartan Cayaareed Caawa Dhex Mari Doona Kooxaha Ku Tartamaya Koobka EFL Cup-ka.

Kooxaha caawa balansan ee isku soo aadaya waxaa ka mid ah Southampton iyo Crystal Palace,waxaa la saadaalinayaa in kulanka uu adkaan doono.

haa

http://radiohimilo.so

Balse Southampton ayaa waxaa loo tiirinayaa in ay badiso ama ciyaar kulul ay soo bandhigto si weyn ayey u diyaar garowday iskuna abaabushay.

Dhanka kale Crystal Palace ayaa dhankeeda waxa ay waddaa is diyaarin waxaana lagu waddaa in ciyaaryahano culus ay u saftaan kooxda.

James Tomkins Difaaca Kooxda Crystal Palace ayaa caawa kulan ka maqnaan doona ka dib markii uu jilibka dhaawac ka soo gaaray kulankii Axadii ay la yeesheen Stoke City.

Wabsaadyada arimaha ciyaaraha waxa ka qora ayaa waxa ay sheegayaa in labada koox mid walba ay dooneyso in dhibco ay hanato si horey ay ugu socoto.

Kooxaha kale ee caawa is arki doona waxaa ka mid ah Swansea City iyo  Manchester City labada koox ciyaartooda ayaa laga hadlayaa.

Falanqeeyaal ayaa waxa ay sheegayaa in ciyaarta labada koox ay tahay midd dad badan ay u daawasho tagi doonaan inkastooda guusha cidda gaari doonta aan laga hor dhici Karin.

Cayaarta Kooxahan waxa ay dhici doontaa saacadda Geeska Afrika marta ay tahay Seddex saac iyo Afartan iyo Shan Daqiiqo.

Dhamaan kooxahan iyo kuwo kale oo caawa dheeli doona waxa ay u tartamayaan hanashada koobka EFL Cup ee Biritan.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan