Home / Arrimaha Bulshada / Tartanka Tiknoolajiyada AI: Guusha DeepSeek iyo Khasaaraha Taariikhiga ah ee Mareykanka.

Tartanka Tiknoolajiyada AI: Guusha DeepSeek iyo Khasaaraha Taariikhiga ah ee Mareykanka.

Himilo-Suuqqa saamiyada Mareykan-ka ayaa qasaare $1 tirilyan, hal maalin gudaheed kadib markii shiinuhu uu soo saaray garaad macmal cusub oo layiraah DeepSeek

Suuqa saamiyada Mareykanka ayaa la kulmay hoos u dhac taariikhi ah kadib markii shirkadda Shiinaha ee DeepSeek ay soo saartay garaad macmal cusub (AI). Lumista qiimaha saamiyada, oo gaaraysay $1 tiriliyan hal maalin gudaheed, ayaa ka dhalatay dareen guud oo ah in tiknoolajiyadda cusub ee DeepSeek ay khatar weyn ku noqon karto shirkadaha tiknoolajiyadda Mareykanka, gaar ahaan kuwa ku tiirsan sirdoonka macmalka ah sida Nvidia iyo kuwa la mid ah.

Hadaba maxay tahay shirkada Deepseek?

DeepSeek waa Shirkad laga leeyahay Shiinaha taa oo ah garaad macmal ‘AI’ macluumaadka caalam-ka laga heli karo.

Xarunteedu waxay ku taallaa Hangzhou, Gobolka Zhejiang ee dalka Mareykan-ka, waxaana iska leh oo si gaar ah u maalgelisa shirkadda maalgashiga High-Flyer oo uu aasaasay Liang Wenfeng sannadkii 2023, kaas oo sidoo kale ah maamulaha guud ee shirkadda (CEO).

Maxay ka shaqeysaa DeepSeek?

DeepSeek waxay fulisaa hawlo la mid ah kuwa ChatGPT, inkasta oo ay ku dhisantahay kharash aad uga hooseeya midka ChatGPT lagu maalgaliye, Waxaa shirkadda loo sameeyay si looga hortago awoodda iyo horumarinta mareykan-ku uu ku wado tignoolajiyada sida uu sheegay agaasimaha Deepseek. Bishii Janaayo 10, 2025, shirkaddu waxay sii deysay barnaamijkeedii ugu horreeyay ee chatbot oo bilaash ah, waxa uuna maalmayar gudahood uga saromaray ChatGPT marka laga fiiriyo sida looga dajistay App store-ka , Tani waxay keentay in saamiyada shirkadda leh ChatGPT ee Nvidia ay hoos u dhacaan18%. Guusha DeepSeek ee ka samayse suuqyada  ayaa loo aqoonsaday inay isbeddel weyn ku keentay AI iyo inay tahay qiyaas horudhac ah oo muujinaysa tartanka caalamiga ah ee shirkaddaha Garaad macmalka.

DeepSeek waxay ka dhigtay chatbot-keeda mid furan, taasoo ka dhigan in lambar sideedkeeda lagu heli karo si bilaash ah loona beddeli karo. Deepseek waxaa ka shaqeeya cilmi-baarayaal da’ yar oo ka socda jaamacadaha ugu sarreeya Shiinaha, waxayna shaqaalaysiisaa xirfadlayaal ka baxsan cilmiga kombiyuutarka si ay u kobciso aqoonta iyo xirfadaha kala duwan ee moodellada AI.

Taariikhda iyo Horumarka

Bishii Febraayo 2016, shirkadda leh Deepseek ee High-Flyer waxaa aasaasay Liang Wenfeng. Sannadkii 2019, High-Flyer waxay diiradda saartay horumarinta iyo isticmaalka algorithms-ka AI-ga ee ganacsiga. Sannadkii 2021, shirkadda waxay si gaar ah ugu isticmaashay AI ganacsigeeda.

Bishii Abriil 2023, High-Flyer waxay billowday shaybaar lagu sameeyo cilmi-baaris ku saabsan horumarinta nidaamkeeda AI. Bishii Maajo 2023, shaybaarkaas wuxuu noqday shirkad madax bannaan oo loo yaqaan DeepSeek.

Saameynta Tartanka AI

Markii shirkaddu soo saartay nooca DeepSeek-V2 bishii Maajo 2024, kaas oo waxtar leh hadane raqiis ah, waxay horseeday tartan xoog leh oo ku saabsan qiimaha moodellada AI ee Shiinaha. Inkastoo qiimaha shirkadu ay ku iibineyso DeepSeek uu yahay mid raqiis ah, haddana waxay ka sameyse dhaqaalo badan.

DeepSeek waxay diiradda saartay cilmi-baarista oo keliya, iyadoo aan xog badan ka bixineyn  ganacsiga taas oo ka caawisay tignoolajiyadooda in aysan qaban shuruucda ugu adag ee xeerarka AI-da Shiinaha.

 

Xogtan waxay gaar u tahay Radio Himilo

 

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan