Home / Habka-Nolosha / Terry oo aan wali go’aamin ka fariisiga ciyaaraha.

Terry oo aan wali go’aamin ka fariisiga ciyaaraha.

Muqdisho – John Terry mala ahan haddii uu ciyaari karo iyo in kale, hayeeshe ruug-cadaaga Chelsea muusan bixin tilmaan ku aadan middaas.

Terry ayaa sameeyey safashadii ugu horreysay taniyo September ciyaartii ay kooxdu 4-3 kaga adkaadeen Watford isaga oo goolashii guusha kiisa ku daah-furay.

Kadib ciyaarta, 36-jirkan ayaa u muuqan mid isku taxaabaya mustaqbalkiisa ciyaaraha tiiyoo ay isasoo tarayso ku-tiri-ku-teen la xiriira damac ay kooxo badan ka bixinayaan xirfaddiisa.

“Waligay maan rabin inaan noqdo nuuca ciyaartoy ee banaannada ku dul-meera; dhuuntana u gala ciyaartoyda da’yarta ah inay soo if baxaan,” ayuu yiri.

“Wali maanan dejin qorshahayga ka fariisi ee ciyaaraha iyo haddii ciyaarta Sunderland ay noqoneyso tayda iigu danbeysa iyo in kale.”

“Way isku tiirsan tahay. Haddii dalab la iigu deeqo waa inan kala fikiraa qoyskayga – haddii dalabku uu yahay gudaha ama dibadda.”

“Hanad ahaan, kama sameynin go’aan wali. Waxaan qiimeynaya xulashada waqtigan la joogo.”

 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan